Casemiro Oo Man United U Sheegay Badalka Erik Ten Hag.

Casemiro ayaa mar horeba u sheegay Manchester United qofka ku haboon ee bedeli kara Erik ten Hag hadii ay kooxdu ka qaado shaqadiisa.

Cadaadiska ayaa ku sii kordhaya Ten Hag, kaas oo ‘la siiyay waqti kama dambays ah’ inuu wax ka beddelo Man United xilli ciyaareedkan.

Kooxdiisa ayaa ku jirta kaalinta 14-aad ee horyaalka Premier League, iyadoo haatanba laga badiyay 3 kulan.

Dhowr tababare oo magac weyn leh ayaa lala xidhiidhinayaa in ay Ten Hag ka badalaan shaqada waxana ka mid ah Zinedine Zidane.

Casemiro ayaana haatanba ogolaansho siiyay in ay kooxdu u dhaqaaqdo saxiixa Zidane.

Zidane ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Real Madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga