carvajal Oo Sheegay Sababta Uuna Yaamal Ugu Codayn Doonin Ballon d’or-ka.

PAMPLONA, SPAIN - MARCH 16: Daniel Carvajal of Real Madrid CF celebrates after scoring his team's second goal during the LaLiga EA Sports match between CA Osasuna and Real Madrid CF at Estadio El Sadar on March 16, 2024 in Pamplona, Spain. (Photo by Ion Alcoba Beitia/Getty Images)

Kabtan-ka Real Madrid, Dani Carvajal, ayaa ammaan weyn u jeediyay xiddiga Barcelona, Lamine Yamal.

Yamal iyo Carvajal ayaa isku xu ah waxaana ciyaaryahanka da’da weyn uu qiray horumarka cajiibka ah ee da’yarku ka sameeyay ciyaaraha.

Xiddiga Real Madrid ayaa sidoo kale xusay in 18-jirkan uu ka mid noqon karo musharrixiinta abaalmarinta Ballon d’Or ee 2025.

Yamal ayaa sii wacdarro dhigay tan iyo tartankii Euro 2024, waxaana uu ka caawiyay kooxda Hansi Flick ee Barcelona inay ku guuleystaan saddexleyda gudaha xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay.

Yamal waxa uu ka mid yahay 30-ka ciyaaryahan ee sanadkan loogu yeeray musharrixiinta abaalmarinta Ballon d’Or.

Carvajal waxa uu la hadlay idaacadda Cadena SER isagoo ku sugan xerada xulka Spain ee fasaxa ciyaaraha caalamiga ah ee FIFA.

Waxa uu yiri:

“Wuxuu ka mid noqon karaa musharrixiinta Ballon d’Or, gaar ahaan sababo la xiriira da’diisa.

“Ugu dambeyn, yaan la iloobin in uu kaliya jiro 18 sano aniguna waxaan 18 jir ahaantay markii aan jooggay Castilla, waana arrin aad u adag in ciyaaryahan uu farqi ka dhaliyo da’daas yar kubadda cagta heerka sare.

“Maadaama aanan cod bixin doonin, cidna ma siinayo, sababtoo ah anigu kabtan ma ihi, sidaas darteed waxaan ka baxay mas’uuliyaddaas.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga