Xidigihii hore ee Premier League, Jamie Carragher iyo Micah Richards, ayaa saadaaliyay kooxda ku guuleysan doonta horyaalka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.
Kooxda Paris Saint-Germain ay ku guuleysatay horyaalka Champions League xilli ciyaareedkii hore kadib markii ay garaaceen Inter Milan final-ka.
Iyaga oo ka hadlaya saadaashooda Carragher iyo Richards waxay taageereen Barcelona inay ku guuleysan doonto Champions League xilli ciyaareedkan.
“Kooxda aan u saadaalinayo in ay ku guulaysato champions league Xilli Ciyaareerdkan waa Barcelona”ayuu Carragher sidaas ku yiri oo uu xigasho ka helay Mundo Deportivo.
“Wuxuu intaa ku daray, “Waxaan u maleynayaa Liverpool sidoo kale inay gaari doonto finalka. Final aad u xiiso badan ayaa noqon doonta: Barcelona-Liverpool.”
“Dhanka kale, Richards ayaa sidoo kale raacay hadallada Carragher, isagoo leh: “Anigana waxaan dooranayaa Barcelona.”
Be the first to comment