
Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa saadaaliyay booska ay kooxda chelsea ku dhamaysan doonto xilli ciyaareedka cusub.
Xilli ciyaareedka soo socda ee Premier League ayaa furmi doona dabayaaqada bishan, iyadoo kooxaha ay haatan si firfircoon ugu jiraan suuqa kala iibsiga.
Inkasta oo ay Chelsea ku guulaysatay koobka kooxaha aduunka bishii hore, Carragher waxa uu sheegay in aanu arag kooxda Enzo Maresca oo ka saraysa kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Manchester City.
Chelsea ayaa ka yaabsatay adduunka iyaga oo ku guulaystay koobka kooxaha adduunka iyaga oo ku garaacay kooxda PSG.
Qaar badan ayaa u saadaaliyay inay yihiin kuwa u tartami kara horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda, laakiin Carragher ayaa kaliya arki kara inay ku dhameystaan kaalinta afaraad.
Blues ayaa ku dhameysatay kaalinta afaraad xilli ciyaareedkii 2024-25, Enzo Maresca xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee kooxda.
Chelsea ayaa sidoo kale ku guulaysatay koobka UEFA Conference League waxayna xoojisay kooxdeeda suuqa kala iibsiga ee haatan socda.
Blues ayaa hadda ku faanta ciyaartoy ay ka mid yihiin Liam Delap, Joao Pedro, Jamie Gittens, Willian Estevao, Dario Essugo iyo Jorrel Hato.
Laakiin mar uu ka hadlayay The Overlap, halyeeyga Liverpool ayaa sheegay in Blues aysan dhaafi doonin booskii ay ku dhamaysatay xilli ciyaareedkii hore.
“Ma arko Chelsea oo ku dhameysaneysa meel ka sareysa Liverpool, Arsenal ama City kaliya waxa ay ku dhamaysan doonaan kaalinta 4-aad”ayuu yidhi.
Kooxda Maresca ayaa badisay 41 ka mid ah 64 kulan oo ay ciyaareen tartamada xilli ciyaareedkii hore,waxana laga badiyay kaliya 14.Waxa ay dhaliyeen 137 gool halka laga dhaliyay 64 gool.
Wuu iskahadley waxuu saadalyaqaan majiree waa rabitaankiisa waldkab kalab waxuulaha sidan ookale maxisheede waaye kani