Daaficii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay in Michael Carrick iyo Liam Rosenior aysan ku guuleysan karin hanashada horyaalka Premier League iyagoo kala hoggaaminaya Manchester United iyo Chelsea.
Carrick ayaa bishii january loo magacaabay Tababare ku-meel-gaar ah oo soconaysa ilaa xagaaga, halka Rosenior uu saxiixay heshiis lix sano ah si uu ugu beddelo Enzo Maresca garoonka Stamford Bridge.
Carragher, oo ka hadlayay barnaamijka Monday Night Football, ayaa ku adkeystay in labada tababare aysan lahayn awoodda iyo tayada looga baahan yahay SI ay ugu Guulaystaan Premier League
Wuxuu yiri:
“Manchester United kuma guuleysan karto horyaalka iyadoo Michael Carrick ah tababare, sidoo kale ma aaminsani in Chelsea ay ku guuleysan karto horyaalka iyadoo Liam Rosenior ah tababare.
Waa inaad noqotaa mid gaar ah marka aad eegto tababarayaasha ku guuleystay horyaalka.
Mar walba wax gaar ah ayaa ku jira 99% iyaga ka mid ah, waana sababta aanan u arkin Michael Carrick ama Liam Rosenior inay ku guuleysan karaan horyaalka Chelsea.”
Be the first to comment