Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa dhaliil adag u jeediyay xiddiga kooxda Mohamed Salah kaddib silsiladdii natiijooyinka xun ee horyaalka Ingiriiska.
Liverpool waxay haatan ku jirtaa kaalinta 12-aad ee jadwalka horyaalka Ingiriiska iyadoo leh 18 dhibcood kadib 12 kulan, waxaana ay la kulantay 6 guuldaro 12 kulan ee ay ciyaartay.
Carragher, isaga oo la hadlayay warbaahinta oo ay ku jirto wargeyska Daily Mail, ayaa yiri: “Hal sano ka hor, Salah ma uusan ka xishoon inuu ka hadlo xaaladdiisa iyo in kooxda uusan u soo bandhigin heshiis cusub.”
Wuxuu sii sharxay fikirkiisa isagoo leh: “Anigu waxaan maqlayaa codka Mohamed Salah oo keliya marka uu helo Abaalmarinta Xiddiga Ciyaarta, ama marka uu u baahan yahay heshiis cusub.”
Halyeeyga Reds ayaa intaas ku daray: “Waxaan rabaa inaan arko Mohamed Salah oo u dhaqmaya sidii mid ka mid ah hogaamiyeyaasha iyo halyeeyada Liverpool. Waxaan rabaa inaan arko isagoo u hadlaya danta kooxda — ma aha in arrintaas ay ka timaado qofka kaliya ee xiran calaamadda kabtanka.”
Xiddiga Masar ayaan haatan ku jirin waqtigiisii ugu fiicnaa xirfaddiisa, wuxuuna ilaa hadda soo bandhigayaa heerkii ugu liitay ee shaqsiyadeed tan iyo intii uu u wareegay Liverpool, balse dabcan fursadda uu ku soo celin karo iftiinkiisii weli aad bay u weyn tahay.
Be the first to comment