Carlo Ancelotti Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Ku Guulaysan Kara Champions League.

Carlo Ancelotti ayaa saadaal geesinimo leh ka bixiyay ku guulaysiga Champions League xilli ciyaareedkan xilli kooxdiisa Real Madrid ay isku diyaarinayso inay wajahdo Manchester City lugta hore ee isreeb reebka.

Madrid iyo City ayaa ku kala guulaystay saddexdii koob ee ugu dambeeyay ee Champions Leaque-ga iyaga oo inkasta oo ayna waligood isku arkin finalka bandhiga, mid ka mid ah ayaa gaadhay siddeed ka mid ah 11-kii final ee ugu dambeeyay ee tartankan la ciyaaray.

In kasta oo ay labadooduba dhibtoonayeen intii lagu jiray marxaladda horyaalka, iyadoo City ay kaliya heshay boos maalintii ugu dambaysay Ancelotti waxa uu saadaaliyay in kooxdii badisa kulankaan ay ku guulaysan karto tartanka.

“Mar walba waa madax xanuun inaad wajahdo Manchester City, waxay noqon doontaa kulan adag, oo ay adag tahay in la saadaaliyo, waxay ku xirnaan doontaa wax badan dabeecadda iyo kalsoonida kooxaha, waa ciyaar heerkeedu sarreeyo waa inaad noqotaa mid aad ugu fiican dhinac kasta,”ayuu yidhi.

“Waxay u muuqataa inay tahay ‘Clasico’ sababtoo ah marar badan ayaan iska soo wada ciyaarnay tartankan, waa kulanka ugu adag ee aan wajaheyno, iyadoon loo eegin qaab ciyaareedkiisa, waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican Yurub, waxaana ay haystaan ​​​​macallimka ugu fiican”.

“Waxaan ku qanacsanahay in kooxda ka soo baxda kulankaan ay ku guuleysan doonto tartanka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga