Tababaraha xulka qaranka Brazil, Carlo Ancelotti, ayaa magacaabay afar kooxood oo uu u arko kuwa ugu cadcad ku guuleysiga Champions League xilli ciyaareedkan.
Ancelotti ayaa hadalkan jeediyay ka hor kulamada Champions League ee toddobaadkan oo dhici doona Talaadada iyo Arbacada.
Macallinka reer Talyaani ayaa sheegay in kooxaha Paris Saint-Germain, Real Madrid, Manchester City iyo Bayern Munich ay yihiin kuwa ugu dhow hanashada tartanka.
“Marka laga eego dhinaca kale ee dunida, Champions League mar walba waxay leedahay kooxaha caanka ah ee la saadaalinayo: Real Madrid, PSG, Manchester City iyo Bayern Munich,” ayuu Ancelotti u sheegay Tutto Sport.
“Bilowgii kulamadan hore waxaan aragnay ciyaaro ay goolal badan ka dhaceen, natiijooyin yaab leh oo mararka qaar naga dhiga inaan xiiso u qabin.
“Wejigan hore ee tartanka waa la ballaariyay si loo xiiseeyo, balse weli si buuxda uma shaqeynayo. Waa inaan taas aqbalnaa.”
Be the first to comment