Bruno Fernandes Oo Mar Kale Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Man United Kadib Bixitaankii Ruben Amorim

Kabtan-ka Manchester United, Bruno Fernandes, ma raadinayo inuu ka tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Waxaa la soo jeediyay in khadka dhexe ee reer Portugal uu doonayo inuu baxo kaddib markii xilka laga qaaday Ruben Amorim, balse arrintaas sax ma aha.

Tababarihii hore ee Sporting Lisbon ayaa xilka laga qaaday horraantii bishan kaddib muddo 14 bilood ah oo aad u liidatay oo uu ku qaatay Old Trafford.

Fernandes, oo 31 jir ah, ayaa la arkay isagoo la kulmaya mid ka mid ah kaaliyeyaashii tababarahaas hore, Carlos Fernandes, kaddib bixitaankii Amorim, taasoo dhalisay hadal haynta ah inuu isagu qorsheynayo inuu isna ka tago kooxda.

Laakiin sida ay sheegtay BBC Sport, weli wuu ka go’an yahay kooxda, wuxuuna ku adkeysan doonaa qorshihiisii hore ee ahaa inuu qiimeeyo mustaqbalkiisa dhammaadka xilli-ciyaareedkan, markaas oo uu qandaraaskiisa uga harayo hal sano oo keliya.
Wadahadallo cusub oo ku saabsan mustaqbalka Fernandes ayaa mar kale soo cusboonaaday, iyadoo si joogto ah loo soo jeedinayo inuu ka tagi karo kooxda.
Ciyaaryahanka kubad sameeyaha ah ayaa horay loola xiriiriyay kooxaha waa weyn ee Spain sida Real Madrid, sidoo kale kooxda Sacuudiga ah ee Al-Hilal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga