Bruno Fernandes Oo jabiyay Rikoodh Uu David Beckham U Dhigay Man United.

Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa jebiyay rikoor uu hore u hayay halyeeygii kooxda David Beckham.

Arrintan waxay timid kadib markii Fernandes uu gool ka dhaliyay Crystal Palace kulan ka tirsanaa Premier League Axaddii.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Fernandes iyo Benjamin Sesko ayaa siisay kooxda uu hoggaamiyo tababare Michael Carrick saddexdii dhibcood ee kulanka lagu ciyaaray Old Trafford.

Sida ay sheegtay shirkadda tirakoobka ee OptaJoe, Bruno Fernandes ayaa hadda gool dhaliyay isla markaana caawin sameeyay 18 kulan oo kala duwan oo Premier League ah intii uu joogay Manchester United.

Xiddiga reer Portugal ayaa sidaas ku dhaafay tiradii Beckham ee ahayd 17 kulan, wuxuuna hadda ka dambeeyaa oo keliya:

Wayne Rooney (35 kulan)

Ryan Giggs (22 kulan)

Fernandes ayaa rajeynaya inuu sii wato bandhiggiisa cajiibka ah marka Manchester United ay la ciyaarto Newcastle United Arbacada soo socota.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga