Brad Friedel Oo Iska Indha-tiray Chelsea Isla Markaas Magacaabay Kooxda Arsenal Ka Qaadi Doonta Horyaalka Premier League.

Goolhayihii hore ee Tottenham, Brad Friedel, ayaa sheegay in Manchester City ay qaban doonto Arsenal tartanka horyaalka Premier League.

Friedel wuxuu hadalkan kaga falcelinayay guushii 5/4 kaga adkaatay Fulham habeenkii salaasada.

Guushaas waxay ka caawisay ragga Pep Guardiola inay laba dhibcood u soo dhowaadaan Arsenal.

Arsenal waxay fursad u leedahay inay farqiga dib ugu kordhiso shan dhibcood marka ay caawa Emirates ku martigeliyaan Brentford.

Laakiin Friedel wuxuu rumeysan yahay in Man City ugu dambeyn Arsenal qaban doonto.

Wuxuu u sheegay talkSPORT: “Waxaan aaminsanahay in Man City ay qaban doonto Arsenal.

“Waxaan filayaa in Arsenal hadda tahay kooxda ugu fiican, waxay ciyaarayaan kubadda ugu quruxda badan.

“Laakiin waxaan aaminsanahay marka la gaaro march iyo April

oo ay weli ku jiraan tartamada Yurub iyo FA Cup-ka, haddii ay helaan hal ama laba dhaawac oo aan wanaagsanayn, ay dhibaato geli karaan.

“Man City hore ayay u hoos dhacday, hadda way ka soo kabanayaan, waxay soo mareen hoos u dhac dhinaca maskaxda ah, waxaana filayaa inay hadda bilaabi doonaan inay sare u kacaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga