Bournemouth Oo Garaacday Liverpool.

Bournemouth ayaa gaadhay guul cajiib ah daqiiqaddii ugu dambaysay kaddib markii ay 3–2 kaga adkaatay Liverpool kulankii wareegga 23-aad ee Horyaalka Ingiriiska (Premier League), kaas oo ka dhacay garoonka Vitality Stadium.

Bournemouth ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 26-aad, kaddib qalad difaac oo uu sameeyay Van Dijk, kubbadduna waxay gaadhay Scott oo isagu diray karoos uu Evanelson shabaqa ku hubsaday.

Daqiiqaddii 33-aad, Alex Jimenez ayaa dhaliyay goolka labaad ee Bournemouth kaddib caawin uu ka helay Hill, halka Virgil van Dijk uu Liverpool u dhaliyay goolka dhimista daqiiqaddii 45+1, kaddib madax uu ka dhaliyay karoos ka yimid laad gees ah.

Daqiiqaddii 80-aad, Dominik Szoboszlai ayaa dhaliyay goolka barbaraha kaddib laad xor ah oo si gaaban u ciyaaray Salah, taas oo Szoboszlai si xirfad leh shabaqa ugu hubsaday.

Bournemouth ayaa goolka guusha dhaliyay daqiiqaddii 90+4, waxaana dhaliyay Amine Adli.

Liverpool dhibcaheedu waxay istaageen 36 dhibcood, iyagoo si ku-meel-gaar ah ugu jira kaalinta afraad, halka Bournemouth ay dhibcaheedu gaadheen 30, iyagoo ku jira kaalinta 13-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga