Borussia Dortmund Oo Garaacday PSG Iskana Xaadirisay Final-ka Champions League.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa markii 3-aad ee taariikhdooda iska xaadiriyay Final-ka tartanka champions League.

Dortmund ayaa garaacday kooxda lacagta badan la galiyay ee PSG iyaga aadi doona Final-ka tartanka oo lagu qaban doono Wembley.

PSG ayaa wax walba u samaysay sidii ay u badin lahayd iyada oo 4 jeer birta ku dhufatay kubada.

Kooxda PSG oo garoonkeeda la joogay ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda Dortmund.

Laakiin Dortmund ayaa daafac ku soo gashay ciyaarta iyaga oo ciyaarayay weeraro rogaal celis ah.

Labada kooxood ayaa ku kala baxay bar-baro 0/0 ah qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ay PSG ku dhibaatootay in ay gool u badasho fursadihii ay heshay.

Qaybtii dambe daqiiqadii 50-aad ayay Dortmund heshay wixii ay doonaysay oo ahayd gool waxana madax u dhaliyay xiddiga Mats Hummels kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay PSG ayaa heshay 6 fursadood oo cadaan ah oo ay gool ku dhalin kareen laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay gool u badalaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Dortmund markii 3-aad ee taariikhdooda iska xaadiriyeen final-ka tartanka Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga