Bernardo Silva Oo Ku Digtay Arsenal

Weeraryahanka khadka dhexe ee Manchester City, Bernardo Silva ayaa niyad-jab ku ridey rajada Arsenal iyo taageerayaasheeda ee ku aaddan hanashada horyaalka Premier League, isaga oo xaqiijiyey in Liverpool ay tahay kooxda ugu weyn ee la tartameysa City xilli ciyaareedkan si ay ugu guuleystaan horyaalka.

Hadalkan ayaa yimid kahor kulanka adag ee Manchester City ay la ciyaareyso Arsenal garoonka Emirates fiidnimada Axadda, kaasoo qeyb ka ah wareegga shanaad ee Premier League.

Xilligan, kooxda Liverpool ayaa hoggaamineysa kala sareynta horyaalka iyadoo leh dhibcaha buuxa ilaa iyo hadda.

Bernardo Silva ayaa wareysi uu bixiyay kahor kulanka kooxdiisu la ciyaarayso Arsenal ku sheegay in Liverpool ay tahay kooxda ugu weyn ee la tartameysa Manchester City xilli ciyaareedkan si ay u hanato horyaalka Premier League.

Wuxuu yiri:

“Waxaan aaminsanahay in Liverpool ay tahay tartameheenna ugu weyn ee horyaalka. Waa koox mar walba nala tartanta dhammaan koobabka, waana koox si dhab ah u gaartay guulo – ma ahayn tartan kaliya, waxay xaqiiqdii guulo gaareen.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, Bernardo wuxuu sheegay:

“Arsenal way sii hagaagayeen sannadihii u dambeeyay, waxayna bilaabeen in ay tartamaan si ay u gaaraan guulo, laakiin wali ma aysan gaarin heerka ah in si dhab ah ay ugu guuleystaan koobab. Hadda xaaladdu way ka duwan tahay, balse weli waxaan u arkaa in Liverpool ay tahay tartameheenna ugu weyn – ma aha Arsenal.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga