
Ben White ayaa rajeynaya inuu ku soo laabto kooxda Arsenal kulanka ay Sabtida la ciyaari doonaan Nottingham Forest.
White wuxuu ku soo bilowday ciyaartii furitaanka xilli-ciyaareedkan ee Arsenal ay ku wajahday Old Trafford, isagoo ka caawiyay in ay ilaashadaan shabaq nadiif ah guushii 1-0 ee ay ka gaareen Manchester United.
Daafaca midig ayaa seegay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyay dhaawac awgiis, balse wuxuu rajeynayaa inuu ku soo laabto dhamaadka toddobaadkan.
White wuxuu si wanaagsan ugu socda bogsashadiisa, waxaana Arsenal qiimeyn doontaa xaaladdiisa maalmaha soo socda ka hor inta aan go’aan kama dambeys ah laga gaarin kulanka Sabtida ee ay garoonkooda ku martigelin doonaan Forest.
Kooxda Gunners ayaa horyaalla kulamo waaweyn bishan, oo ay ku jiraan cayaaraha ay la ciyaari doonaan Manchester City iyo Newcastle, sidaas darteed ma dedejin doonaan soo celinta White.
Sidoo kale waa xaalad la mid ah Bukayo Saka iyo William Saliba, kuwaas oo dhaawacyo soo gaaray ka hor fasaxa caalamiga ah ee socda.
Kadib kulanka Forest ee Sabtida, Gunners ayaa bilaabi doona xilli ciyaareedka Champions League iyagoo Salaasada booqan doona Athletic Club.
Arsenal waxay markaas yeelan doonaan cayaaro ay la ciyaari doonaan Manchester City iyo Newcastle ka hor inta uusan bishan dhammaan, waxaana Arteta uu doonayaa inuu helo kooxdiisa ugu awoodda badan cayaarahaas.
Be the first to comment