Bellingham: Real Madrid Waxa Ay Ka Badbaaday Guuldaro Weyn.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Jude Bellingham ayaa sheegay in kooxdiisu ay ka badbaaday guuldarro culus oo ka soo gaarta Arsenal ka dib markii looga badiyay 3-0 fiidnimadii Salaasadii.

Real Madrid ayaa guul daro xoogan kala kulantay Emirates Stadium lugtii hore ee 8 dhamaadka Champions Leaque-ga, laakiin Bellingham ayaa ciyaarta kadib qirtay in kooxda martida loo ahaa ay goolal badan dhalin kartay.

“Waa inaan daacad u hadalnaa,” Bellingham ayaa u sheegay Amazon Prime ciyaarta ka dib.

“Xitaa umaanu dhawayn heerka kooxda naga soo hor jeeda, Arsenal waxa ay ahayd koox aad u fiican, haa, waxa ay dhaliyeen laba gool oo laad xor ah, laakiin waxa ay ciyaarta ka dhalin kareen goolal intaas ka badan”.

“Arsenal way na ciqaabtay maanta, kuwani waa kulamo heer sare ah, taasi waa waxa ka dhaca iyaga, laakiin wali arintu ma dhamaan waxa jiri doona ciyaar ka dhici doonta garoonkeena”

Laacibka khadka dhexe ee Real Madrid oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaan u baahanahay wax waalan, garoonkeenu wuxuu soo maray khibrado hore, Real Madrid ma dhiman, waxaan heysanaa 90 daqiiqo oo kale oo soo laabasho ah, wax walbana waa dhici karaan”.

1 Comment

  1. Nacalaa idinku yaal
    Hada ma sidaan ayad sports uga hadashaan?

    Ciyaaro markey dhacaan ama horyaal la ciyaaro kaliya hal koox uun bad soo qadaneysaan tusaale champions league xalay la ciyaaray Ma real madrid ama arsenal buu noqday? Xitaa ma ogidin ban filaa iney ciyaar kle oo weyn jirtay? Inter Milan VS Bayern munich… war sports baan ka hadlayaa iyo hal koox bankahadli kala saara oo kafariist

Dhiibo Fikirkaaga