Bellingham Oo Ka Hadlay Xaqiiqada In Uu Ku Dhawaaday Ku Biirista Liverpool.

Jude Bellingham ayaa qirtay inuusan ku dhowayn inuu u dhaqaaqo Liverpool inkastoo lala xiriirinayay kooxda Premier League intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga 2023.

Xiddiga Real Madrid ayaa ka tagay Borussia Dortmund isaga oo ku biiray Los Blancos bishii July 2023.

“In aan ku biiro Liverpool ma ahayn mid dhaw sidii la sheegay”ayuu Bellingham yidhi.

“Waxa jiray wadahadalo ay Dortmund la qaadatay kooxo badan, laakiin markii ay Madrid ila soo xidhiidhay isla markiiba waxa aan dareemay in aan Real ku gaadhi doono heerka kale”.

Bellingham ayaa ka mid ahaa xiddigaha sida weyn loola xidhiidhinayo kooxda Liverpool kuwaas oo Doonayay in ay xoojiyaan khadka dhexe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga