Bayern Munich & Real Madrid Oo Bar-baro Ku Heshiiyay kulan Xiiso Lahaa

Kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa ku Heshiiyay bar-baro kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa tartanka champion league.

Kulanka ayaa ku billowday si xiiso leh iyada Oo labada kooxood Soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Kooxda Real Madrid ayaa ku Hor martay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Vini Jr kaas Oo hogaanka u dhiibay Kooxdiisa daqiiqdii 24-aad.

Bayern Munich ayaa wax Walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin uma suurtagalin.

Qaybtii dambe ayay Bayern Munich si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga Oo doonayay in ay ciyaarta ku Soo laabtaan

Daqiiadii 53-aad ayay Bayern Munich dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Leroy sane kas Oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Bayern ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqdii 57-aad dhalisay goka 2-aad waxana Rikoodhe u dhaliyay Kane.

Los Blancos ayaa Bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha.

Daqiiadii  83-aad ayay Real dhalisay goolka waxana u Dhaliyay xiddiga Vini Jr kaas Oo Rikoodhe gool u badalay.

Waxa sidaas ku dhamaantay ciyaarta Oo ay labada kooxood ku heshiiyeen bar-baraha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga