Bayern Munich Oo Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaysa Arsenal.

Saxafiga Christian Falk ayaa ku shaaciyay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka in kooxda reer Germany ee Bayern Munich ay ka fikirayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Gabriel Martinelli inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Martinelli, oo 24 jir ah, ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Arsenal waxana uu soo jiitay indhaha kooxaha ugu waaweyn kana mid tahay kooxda Bayern Munich.

Xiisaha Bayern ee Martinelli ayaa ku soo beegmaya iyadoo kooxdu ay doonayso inay xoojiso safkeeda weerarka ka hor xilli ciyaareedka cusub, iyadoo si joogto ah isha ugu haysa horumarka suuqa iyo qiimaynta fursadaha jira.

Bayern Munich ayaa doonaysa in ay horumar ka samayso baacsiga xiddiga reer Brazil maalmaha soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga