Bayern Munich Oo Ka Jawaabtay Dalab Ay Man United Ka Gudbisay Matthijs de Ligt & Noussair Mazraoui

Dalabka wadajirka ah ee Manchester United ee Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui ayaa waxaa diiday Bayern Munich, sida ay sheegayaan wararku.

Eirk Ten Hag ayaa war xun helayso kadib markii la xaqiijiyay in Saxiixa cusub ee Leny Toro uu garoomada ka maqnaa doono muddo 3 bilood ah kadib dhaawacii soo gaadhay.

Dhaawaca yoro ayaa la macno ah in Man united ku bilaaban doonto xilli ciyaareedka daafaca yaraan.

United ayaa wadahadalo badan la qaadatay Bayern si ay u hesho De Ligt laakiin waxay diideen inay bixiyaan lacagta 50 milyan ee ay Bayern Munich doonayso.

United ayaa sidoo kale heshiis shaqsi ah la gaartay Mazraoui laakiin wali wax heshiis ah lama gaarin Bayern Munich oo ku aadan qiimaha xiddigan.

Sida laga soo xigtay The Athletic, United ayaa haatan u dhaqaaqday saxiixa De Ligt iyo Mazraoui labadaba iyagoo dalab wadajir ah u gudbiyay Bayern.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheegeysa in Bayern ay u sheegtay United inay u baahan yihiin inay soo gudbiyaan ‘lacag ka sarreeya’ si ay ula soo saxiixdaan labada ciyaaryahan xagaagan.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga