Bastoni oo shuruud adag hor dhigay Barcelona & suurtagalnimada lawareegistiisa ?

0

Kooxda Barcelona ayaa weli xiiseyneysa saxiixa daafaca Inter Milan, Alessandro Bastoni, si ay u xoojiso khadka dambe ee kooxdeeda.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Bastoni uu diyaar u yahay inuu dhageysto dalabka Barcelona, balse uu shuruud ka dhigay inuu marka hore wada-hadal la yeesho tababare Hansi Flick, maadaama uu ka niyad jabay sida ay u fashilantay isku daygii hore ee Barcelona ay ku dooneysay saxiixiisa.

Advertisment

Dhanka kale, Barcelona ayaa sidoo kale isha ku haysa daafaca da’da yar ee Finn Jeltsch, kaasoo u ciyaara Stuttgart, waxaana suuragal ah inay u dhaqaaqdo saxiixiisa xagaaga 2027.

Stuttgart ayaa lagu soo warramayaa inay qiimeyso Jeltsch 60 milyan oo euro, iyadoo qandaraaskiisu socdo ilaa 2030. Tababare Hansi Flick ayaa la sheegay inuu taageersan yahay laacibkan.

Barcelona ayaa sidaas darteed qorsheyneysa inay mustaqbalka xoojiso difaaceeda, iyadoo labada daafac ay ka mid yihiin magacyada ay isha ku hayso.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here