
Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Lamine Yamal ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulan ay Barcelona la ciyaari doonto Newcastle maalinta Khamiista iyada OO tababaraha Barca Hansi Flick uu weerar ku qaaday xidhiidhka Spain isaga oo ku eedeeyay in ayna ilaalin xifdiga da’yarka ah.
Barcelona ayaa ku dhawaaqday liiska ciyaartooda furitaanka Champions League ee Khamiista ay la ciyaarayaan Newcastle.
Xiddiga ka dhexmaqan liiska ayaa ah Yamal kaas oo sida muuqata ku dhaawacmay waajibaadka xulka qaranka Spain.
Kahor kulankii La Liga ee usbuucii hore ay la yeesheen Valencia, tababare Flick ma uusan xakamayn karin dareenkiisa waxaana uu ku eedeeyay xulka qaranka Spain inaysan taxaddar u muujin Yamal.
“Lamine Yamal diyaar ma aha. Wuxuu xulka qaranka ula baxay isagoo xanuunsan, mana uusan tababaran. Waxay siiyeen daawooyin xanuunka baabi’iya si uu u ciyaaro,” ayuu yiri Flick.
“Ciyaar kasta waxay ku hogaaminayeen ugu yaraan saddex gool, haddana wuu ciyaaray 73 daqiiqo iyo 79, intii u dhexaysayna ma awoodin inuu tababarto. Taasi ma ahan daryeel ciyaaryahan. Waxaan aad uga xunahay arrintan.”
Be the first to comment