Barcelona Oo Xasuuqay Valladolid Siina Dheeraystay Hogaanka Premier League.

Kooxda Barcelona ayaa xasuuqday kooxda Valladolid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta wakhti hore ka takhalusaan.

Daqiiqadii 20-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Raphinha kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa dhaliyay goolka 2-aad daqiqiadii 24-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0.

Daqiiqadii 45+2-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay Jules Kounde kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ahayd kooxda fiican.

Qaybtii dambe ayay Barcelona sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay ciyaarta ku badiso goolasheeda.

Xiddiga Raphinha ayaa daqiqiadii 64-aad dhaliyay goolka 4-aad ee kooxdisa Barcelona waxana uu ka dhigay 4/0.

Xiddiga reer Brazil ee Raphinha ayaa daqiqiadii 72-aad soo laabtay waxana uu dhaliyay goolkii 5-aad ee kooxdiisa iyo waliba goolkiisii 3-aad ee shaqsiga ahaa.

Xiddiga Dani Olmo ayaa daqiqiadii 82-aad dhaliyay goolka 6-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 6/0.

Xiddiga Ferran Torres ayaa daqiiqadii 85-aad soo afjaray goolasha waxana uu ciyaarta ka dhigay 7/0 ay Barcelona guushu ku raacday.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga