Sarkaal ka tirsan Barcelona ayaa xaqiijiyay in Paris Saint-Germain ay tahay kooxdii ka dambeysay dalabkii €250m ee Lamine Yamal intii lagu jiray xagaaga.
Wararka ayaa sheegay in bishii June, kooxda PSG dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga laakiin madaxweynaha kooxda ee Joan Laporta ayaa diiday dalabkaas.
Si kastaba ha ahaatee, xubin ka tirsan guddiga isboortiga Enric Masip, oo ah la taliyaha Laporta, ayaa hadda xaqiijiyay in kooxda PSG Dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga.
“Madaxweynuhu waxa uu hore u sheegay in uu jiray dalab qiimihiisu yahay 250 milyan oo la diiday iyada oo aan xitaa laga fiirsan”ayuu yidhi.
“Waxa uu dalabkaas ka yimid France”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment