
Robert Lewandowski ayaa walaac ka dhaliyay gudaha kooxda Barcelona kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii ay kooxdiisu la ciyaartay Celta Vigo kana tirsanaa wareega 32-aad ee horyaalka Spain.
Weeraryahanka reer Poland ayaa xanuun ka dareemay muruqa bowdada bidix daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta oo ku dhamaatay guul 3/4 ah oo ay Barcelona ku badisay.
Shaqaalaha caafimaadka Barcelona ayaa Axadda sameyn doona baaritaanno lagu ogaanayo inta uu le’eg yahay dhaawaca Lewandowski, iyadoo laga walaacsan yahay inuu garoomada ka maqnaado labo ilaa saddex toddobaad, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo.
Haddii warbixintaan la xaqiijiyo, ciyaaryahanka ayaa laga yaabaa inuu seego finalka Copa del Rey ee ay Real Madrid ku wajahayaan La Cartuja, iyo sidoo kale semi-finalka Champions League ee ay la ciyaarayaan Inter Milan.
Waxaa xusid mudan in Barcelona ay hadda hogaanka u hayso kala sareynta La Liga, iyadoo leh 73 dhibcood, halka Real Madrid ay ku jirto kaalinta labaad, iyadoo leh 66 dhibcood.
Be the first to comment