Barcelona Oo Ka Warbixiysay Dhaawaca Raphinha

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay in ciyaaryahanka reer Brazil Raphinha uu qabo daal ku yimid muruqa gudaha bowdada ee lugtiisa midig, taasoo keeni doonta inuu seego kulanka ay la ciyaarayaan Albacete ee Koobka Boqorka Spain (Copa del Rey) oo dhacaya berri Salaasada.

Bayaan-kan ayaa yimid kadib markii Raphinha uu dhaawac dareemay intii lagu jiray kulankii ay Barcelona 3-1 kaga badisay Elche Sabtidii hore ee horyaalka La Liga, halkaas oo uu ka dareemay raaxo-darro muruqa gudaha bowdada midig.

Kooxda ayaa xaqiijisay in maqnaanshaha Raphinha uu yahay mid taxaddar ah, iyadoo la filayo in muddada soo kabashadiisu ay qaadato hal toddobaad, isla markaana si dhow loola socon doono xaaladdiisa caafimaad si loo hubiyo inuu ku soo laabto xaalad fiican.

Shaqaalaha farsamada ee kooxda ayaa ka shaqeyn doona buuxinta booska Raphinha kulanka soo socda, iyagoo ka faa’iideysanaya ciyaartoy kale si loo xoojiyo weerarka inta uu maqnaanshihiisu yahay mid ku-meel-gaar ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga