Barcelona Oo Ka Fiirsanaysa Mustaqbalka Marcus Rashford, Muxuu Yahay Qorshohoodu?

Wararka ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in Barcelona ay durba bilaabeen inay dib u eegaan mustaqbalka weeraryahanka Marcus Rashford, iyadoo kooxda reer Catalonia ay tixgelinayso inay dib ugu celiyaan Manchester United.

Rashford ayaa ku biiray Barcelona heshiis amaah ah dabayaaqadii July 2025, waxaana lagu waday inuu dhamaystiro dhammaan xilli ciyaareedka 2025–26 la kooxda reer Spain.

Barcelona waxay sidoo kale heystaan ikhtiyaar ay Rashford si joogto ah ugu iibsadaan xagaaga dambe, qiime dhan ku dhowaad £30 milyan, laakiin sida laga soo xigtay warbixin uu qoray El Nacional, mustaqbalkiisa Camp Nou ayaa horeyba u galay mugdi.

Warbixintu waxay sheegaysaa in madaxda sare ee Barcelona aysan ku qanacsanayn saameynta Rashford uu ku yeeshay kooxda, iyadoo la sheegayo inuu la daalaa dhacayo sidii uu si fiican ugu bilowdi lahaa waqtigiisa kooxda.

Rashford weli ma uusan dhalin gool ama caawin sameyn saddexda kulan ee La Liga ee uu ciyaaray, waxaana si liidata uu ku soo bandhigay kulankii uu kusoo bilowday ee ka dhanka ahaa Levante, iyadoo lagu bedelay waqtiga nasashada.

Waxaa la aaminsan yahay in Barcelona ay bilaabeen inay lumiyaan dulqaadkooda ku aaddan Marcus Rashford, iyadoo kooxda reer Catalonia ay si dhab ah u tixgelinayso inay dib ugu celiyaan Manchester United toddobaadyada soo socda.

Si ay u jabiyaan heshiiska amaahda, Barcelona waa inay bixiyaan lacag dhan £4.3 milyan, taas oo sidoo kale ah isla qadarka ay tahay inay bixiyaan haddii ay go’aansadaan inaysan si joogto ah u qaadan ciyaaryahanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga