
Wariyaha Sky Sports ee Fabrizio Romano ayaa taageerayaasha Barcelona u sheegay war wanaagsan oo ku saabsan mustaqbalka mid ka mid ah xiddigaha kooxda .
Barcelona ayaa haatan doonaysa in ay xaqiijiso mustaqbalka dhamaan ciyaartoydeeda si ay u dhisto koox adag oo sii wadi karta in ay u tartanto tartamada oo dhan sanadaha soo socda.
Romano ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegay in maamulka Barcelona ay ku dhow yihiin inay heshiis la gaaraan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Frenkie de Jong kaasoo ku saabsan heshiis kordhinta ciyaaryahanka ee kooxda Catalan.
Romano ayaa intaa ku daray in heshiiska cusub ee de Jong ee Barcelona uu noqon doono mid wakhti dheer ah isla markaana uu ku ekaan doono dhamaadka xilli ciyaareedka 2029-ka.
Waxa uu sharaxay in heshiiska Barcelona iyo De Jong uu marayo heer gabo gabo ah, 28-sano jirkaan ayaa la filayaa in heshiis kordhintiisa lagu dhawaaqo sida ugu dhaqsiyaha badan.
De Jong qandaraaska uu haatan kula jiro Barcelona waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. Waxa uu ku biiray kooxda reer Catalan xagaagii 2019 isaga oo kaga soo biiray kooxda reer Holland ee Ajax Amsterdam.
Be the first to comment