Barcelona Oo Ka Fal Celisay Wararka La Xidhiidhinaya Jose Mourinho.

Agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona Deco ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Jose Mourinho loo diyaarinayo inuu qabto shaqada Camp Nou.

Bishii January Xavi ayaa ku dhawaaqay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan taasoo keentay in si degdeg ah loo raadiyo bedelkiisa.

Mourinho ayaa dhinaciisa isaga tagay AS Roma bishii hore waxana soo baxay warar sheegaya in loo magacaabi karo badalka Xavi ee kooxda Barcelona.

Mourinho ayaa la sheegayaa in uu xidhiidh fiican la leeyahay agaasimaha kooxda Barcelona ee Deco kuwaas oo wadaaga wakiil.

Si kasta ha ahaatee Deco ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in uu Mourinho iman karo Barcelona.

Mar wax laga weydiiyay tababarihii hore ee Chelsea, Manchester United iyo Tottenham, Deco ayaa u sheegay Esport3: ‘Waa saaxiibkay weyn laakiin lama hadlin isaga muddo dheer”.

“Waxaan raadineynaa tababare la qabsan kara xaalada kooxda taaso sii wadi karta horumarinta ciyaartoyda da’da yar ee aan heysano”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga