Barcelona oo ka cabsi qabta dhaawac kale oo Raphinha soo gaara

0

Barcelona ayaa walaac ka muujinaysa suuragalnimada in Raphinha uu dhaawac kale la kulmo, kaddib markii uu kasoo kabtay dhaawacii uu kala kulmay xulka Brazil kulankii saaxiibtinimo ee Australia.

Xiddiga reer Brazil ayaa seegay kulamadii Barcelona ay la ciyaartay Getafe iyo Galatasaray, balse dib ayuu ugu soo laabtay liiska kooxda ee kulanka Real Betis.

Advertisment

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegay in Barcelona ay walaac ka qabto tababaraha Brazil, Carlo Ancelotti, maadaama xulka qaranku uu ciyaari doono laba kulan oo saaxiibtinimo bisha Nofeembar.

Brazil ayaa 14-ka Nofeembar la ciyaari doonta Japan, halka 17-ka Nofeembar ay wajahidoonto Singapore. Ancelotti ayaa la filayaa inuu liiska xulka ku dhawaaqo 29-ka Oktoobar.

Barcelona ayaa rajaynaysa in Raphinha uu caafimaad qabo, kana fogaado dhaawacyo kale oo saameyn kara kulamada muhiimka ah ee xilli ciyaareedka.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here