
Barcelona ayaa gaartay go’aan ku saabsan inay si rasmi ah ula saxiixdaan Marcus Rashford kaddib bilooyinkii ugu horreeyay ee uu joogay kooxda.
Rashford ayaa sheegay inuu dareemay “inuu gurigiisa joogo” markii uu bishii July Amaah kaga soo biiray Man United.
Xiddiga xulka England ayaa markii ugu dambeysay u ciyaaray Manchester United bishii December 2024, kaddib markii uu tababaraha Old Trafford, Ruben Amorim, ka saaray safka koowaad isla markaana ugu dambeyntii gabi ahaanba kooxda ka reebay.
Rashford ayaa muujiyay kartidiisa intii uu amaahda ku joogay Aston Villa qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu si la yaab leh uGu wareegay Barcelona isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
27-jirka ayaa dhaliyay saddex gool wuxuuna sameeyay afar caawin 10-kii kulan ee ugu horreeyay ee uu u ciyaaray Barcelona, iyadoo laba ka mid ah goolashaas ay ka yimaadeen guushii Champions League ee ay ka gaareen Newcastle United.
Sida laga soo xigtay The Sun, Barcelona ayaa aad ugu faraxsan qaab ciyaareedka Marcus Rashford tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray, waxayna durba qorsheynayaan inay si rasmi ah ula saxiixdaan xagaaga dambe.
Be the first to comment