Barcelona Oo Ay Laba Xiddig Ka Maqan Yihiin Kulanka PSG Ee Champions League.

Barcelona waxa ka maqan xiddigaha Gavi iyo Alejandro Balde kulanka lugta hore ee wareega 8 dhamaadka Champions League oo ay la ciyaari doonaan kooxda heysata horyaalka France ee Paris Saint-Germain.

Labada ciyaaryahan ayaa maqan xilli ciyaareedka, iyadoo Gavi, oo u safray Paris si uu u taageero saaxiibadiisa, uu dhaawac halis ah ka soo gaaray jilibka isagoo matalaya Spain dhamaadkii sanadkii hore, halka Balde uu maray qaliin muruqa ah bishii January.

Si kasta ha ahaatee Barcelona waxa ay war fiican ka heshay xiddiga Frenkie de Jong iy Pedri ayaa diyaar u ah kulankaLabada ciyaaryahan ayaa ku dhaawacmay kulankii Athletic Bilbao bilowgii bishii March, iyadoo De Jong uu ka dhaawacmay canqawga, halka Pedri uu soo gaaray dhaawac bowdada ah.

Tababaraha Barcelona Xavi ayaa xaqiijiyay in labadooduba diyaar u yihiin inay wajahaan PSG, maadaama markii hore la shaaciyay in midkoodna aan wax caafimaad ah lagu helin markii lagu soo daray kooxda.

Marc Guiu, Hector Fort iyo Marc Casado ayaa sidoo kale ku jira kooxda, halka Andreas Christensen uu soo laabtay ka dib dhibaatada Achilles.

Barcelona ayaan wax kulan ah ciyaarin tan iyo markii ay 30-kii bishii March -0 kaga badiyeen Las Palmas, waxaana awooda kooxda ay la micno tahay in Xavi uu haatan leeyahay go’aan weyn oo uu ku qaadan karo shaxdiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga