Barcelona Lagama Badiyo Horyaalka Marka Halkan Arin Dhacdo.

Guddiga garsoorayaasha ee hoos yimaada xiriirka kubadda cagta Spain ayaa magacaabay garsoore Alberola Rojas inuu dhex dhexaadiyo kulanka u dhexeeya Barcelona iyo Celta Vigo, habeenimada Axadda, kaas oo lagu ciyaari doono garoonka Balaídos, iyadoo qayb ka ah tartanka horyaalka  Liga ee Spain.

«Waxaa garsooraha weyn ee kulanka  loo magacaabay Javier Alberola Rojas, halka garsooraha farsamada VAR uu noqon doono Valentín Pizarro Gómez. Waxaa sidoo kale la xusay in joogitaanka boqorka Alberola Rojas kulankaasi uu u yahay kooxda FC Barcelona iyo taageerayaasheeda “fald khaas” maadaama uu kooxdaasi ka maamulay 10 kulan oo horyaalka ah, halkaas oo ay ka gaareen 7 guul, 2 barbaro iyo 1 kaliya oo guuldarro ah.

  “Garsooraha waxay kula socdaan kulanka garsooraha VAR-ka ah, Pizarro Gómez. Waxaa la ogyahay in go’aanada Alberola Rojas uu ku jiro kulankan ay u tahay rajo wanaagsan kooxda Barcelona iyo taageerayaasheeda, iyadoo lagu salaynayo rikoodhkiisa kulanadii hore ee Barcelona uu maamulay.

“Barcelona ma aysan guuldareysan marka ay garsooraha ahaa Javier Alberola Rojas – marka laga reebo hal mar. Taas oo ahayd in ka badan labo sano ka hor, gaar ahaan 20 March 2023, markaas oo kooxda Kataloniya laga adkaaday 2–1 gudaha Catalonia iyada oo ay ka adkaatay Real Sociedad.

Marka laga reebo kulankaas, Barça marnaba kuma guuldarreysan Alberola Rojas, kaliya labo jeer ayaa barbaro galay markaas oo ay bar-baro la gashay Sociedad 2–2  bisha December 2019, iyo December 2020 markii Barça ay barbaro 1–1 la gashay kooxda Eibar.

Barcelona waxay ku guuleysatay 7 kulan oo ka mid ah 10-kii kulan ee Alberola Rojas uu maamulay tan iyo 2017, iyadoo mark-ii ugu dambeysay ay Barca guulo ka heshay Alberola Rojas 2 kulan oo kala ahaa 2–0 iyo 1–0, midna ka gaadhay  UD Almería iyo Sociedad.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga