Barcelona Iyo Man City Oo Bar-Baro Ku Heshiiyay.

Kooxda Man City ayaa sii wadata natiijooyinkii xumaa ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Man City ayaa bar-baro la gashay kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Tababare Hansi Flick ayaa hogaamiyay Barcelona kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda tan ilaa markii loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa ku ciyaartay xiddigo da’yar u badan halka ay Man City ku ciyaartay xiddigo ka mid ah kooxda 1-aad.

Barcelona ayaa daqiiqadii 24-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Pau Victor kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Man City ayaa daqiiqadii 39-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Nico O’Reailly kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 45-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Pablo Torre kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Daqiiqadii 60-aad ayay Man City dhalisay goolka bar-baraha ee kale waxana u dhaliyay xiddiga Jack Grealish kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo ay Barcelona iyo Man City ku kala bexeen bar-baro 2/2 ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga