
Tababarihii hore ee Barcelona, Xavi Hernandez, ayaa shaaca ka qaaday in Lamine Yamal uu qasban yahay inuu ku guuleysto Champions League ama Koobka Adduunka si uu u helo abaalmarinta Ballon d’Or mustaqbalka dhow.
Xavi wuxuu sidoo kale ku adkaystay in ciyaartoyda kale sida Yamal, Vitinha, Mohamed Salah, Pedri, iyo Raphinha ay dhammaantood mudan yihiin inay ku guuleystaan Ballon d’Or 2025.
Waxaa xusid mudan in Lamine Yamal uu ku dhammeystay kaalinta labaad ee Ballon d’Or 2025, isagoo ka dambeeyay guuleystaha abaalmarinta sannadkan — Ousmane Dembélé.
Xavi Hernandez, oo la hadlayay wargeyska Marca ayaa muujiyay kalsooni buuxda oo uu ku qabo in Lamine Yamal uu mustaqbalka dhow ku guuleysan doono Ballon d’Or.
“Markan, koobabka kooxdu waxay lahaayeen miisaan badan.”
“Aniga ahaan, dabcan waxa u qalma abaalmarinta Vitinha, Salah, Pedri, iyo Raphinha”.
“Waxaa jira ciyaartoy badan oo u qalma, laakiin ugu dambeyn, koobabka la qaado ayaa door weyn ciyaara. Lamine wuu ku guuleysan doonaa.”
“Waxaan si buuxda ugu kalsoonahay, laakiin waa marka kooxdiisu ku guuleysato Champions League ama Koobka Adduunka.”
Be the first to comment