Weeraryahanka kooxda Olympique de Marseille, Pierre-Emerick Aubameyang, ayaa doortay weeraryahanka Paris Saint-Germain, Ousmane Dembélé, inuu noqon doono ciyaaryahanka ku guuleysta Ballon d’Or ee sanadka 2026.
Xiddiga reer Gabon ayaa sheegay in Dembele uu yahay saaxiibkiis, maadaama ay hore uga wada ciyaareen kooxda Borussia Dortmund, halkaas oo ay qolka labiska wadaagi jireen.
Wareysi su’aalo iyo jawaabo ah oo uu siiyay DAZN, Aubameyang ayaa yiri:
“Ma garanayo (cidda qaadi doonta Ballon d’Or-ka xiga), laakiin waxaan dhihi lahaa Dembele sababtoo ah waa saaxiibkay.”
Aubameyang sidoo kale wuxuu sheegay in Dembele uu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee uu abid la ciyaaro.
Wuxuu ku daray:“Waxaan la ciyaaray ciyaaryahanno badan oo fiican, laakiin waxaan dhihi lahaa Dembele.”
Dembele ayaa hadda haysta Ballon d’Or-ka kadib markii uu ku guuleystay abaalmarinta 2025, isagoo ka horreeyay ciyaartoy ay ka mid yihiin FC Barcelona xiddigeeda Lamine Yamal iyo xiddiga Real Madrid ee Kylian Mbappé.
Be the first to comment