Ballon d’Or 2025: Rio Ferdinand Oo Magacaabay Labada Ciyaaryahan Ee Ugu Cadcad Abaalmarinta

Rio Ferdinand, halyeeyga Manchester United, ayaa magacaabay Ousmane Dembele oo ka tirsan Paris Saint-Germain iyo Lamine Yamal oo ka tirsan Barcelona inay yihiin labada musharax ee ugu cadcad ee ku guuleysan kara Ballon d’Or sanadkan.

Halyeeyga Man United ayaa arrintan ka hadlay isaga oo la hadlay saaxiibkiisii hore ee kooxda Manchester United, Michael Owen, barnaamijkiisa YouTube-ka ee Rio Ferdinand presents.

Ferdinand sidoo kale wuxuu qiimeyn sare siiyay Kylian Mbappe oo ka tirsan Real Madrid, isaga oo ku sareeyay Dembele iyo Yamal.

“Haddii aad tixgeliso dhammaan ciyaartoyda iyagoo heer sare jooga, waxaan u maleynayaa in Mbappe yahay ninkaasi,” ayuu yiri Rio Ferdinand.

“Xitaa haddii aan eegno labada musharrax ee ugu waaweyn Ballon d’Or sanadkan — Dembele iyo Yamal — xitaa haddii ay iyaguna heer sare gaareen, weli waxaan oran lahaa Mbappe.

“Wuxuu dhaliyay in ka badan 40 gool xilli ciyaareedkii hore. Haddii Real Madrid ay ku guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore, isla markaana meel fog ka gaartay Champions League, malaha isaga ayaa heli lahaa Ballon d’Or.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga