Carlos Baleba ayaa kaftamay ka hor inta aysan Brighton la ciyaarin Manchester United Sabtida garoonka Old Trafford, isagoo ka hadlayay suurtagalnimada uu ugu wareegi lahaa kooxdaas.
Manchester United ayaa isku dayday inay la saxiixato Baleba intii uu furnaa suuqa xagaaga, balse Brighton ayaa si cad u diiday, iyadoo aan siin wax dhiirrigelin ah kooxda Premier League-ka ee ay la tartamaan.
Guddoomiyaha Brighton, Tony Bloom, ayaa bishan hore u sheegay wargeyska The Argus isagoo yidhi:
“Ma u malaynayo in arrinta Baleba ay ahayd sheeko dheer. Manchester United way xiisaysay, balse waxaan u sheegnay inuusan suuqa ku jirin xagaagan, markaasay iska tageen.”
Tony Bloom ayaa intaas ku daray isagoo sheegay:
“Waxaan hore u soo marnay sheekooyin iyo xaalado ka waaweyn tan. Laakiin Carlos Baleba horumarkiisu aad buu u weyn yahay — waa ciyaaryahan aad muhiim ugu ah naadiga. Aad ayaan ugu faraxsanahay inuu nala joogo xilli ciyaareedkan.”
Taageerayaasha Manchester United ayaa fursad u heli doona inay si dhow u daawadaan Carlos Baleba isagoo garoomada kusoo bandhigaya ciyaartiisa Sabtida, markaas oo United ay martigelin doonto Brighton kulan bilaabanaya 5:00.
Ka hor ciyaarta, Carlos Baleba ayaa u muuqday inuu tixraacayo wararkii la xiriiray suurtagalnimadiisii ku biirista Manchester United, kadib markii uu bartiisa Instagram soo dhigay sawirka horudhaca ciyaarta oo uu dul dhigay cinwaanka:
> “waxan ku Soo socdaa old Trafforf😂”
Taas oo ahayd fariin kaftan ah oo ay taageerayaashu u fasirteen inuu xusuusinayo xiriirkii uu hore ula lahaa kooxda United.
Be the first to comment