Ayaa Hogaamin Doona Chelsea kulan Nottingham Forest.

Tababaraha kooxda Chelsea Enzo Maresca ayaa ka maqnaan doona kaydka kooxdiisa kulanka ay maanta la ciyaarayaan Nottingham Forest premier league.

Blues waxay bilaabayaan kulanka siddeedaad ee horyaalka Sabtidan duhurnimo iyaga oo ku ciyaaraya garoonka City Ground, kadib fasaxii ugu dambeeyay ee ciyaartoyda caalamiga ah. Chelsea ayaa hore uga adkaatay kooxda heysata horyaalka — Liverpool — kulan xiiso badan oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge, inkasta oo ay la daala dhaceen dhaawacyo badan.

Blues ayaa doonaysa in ay gaadho Guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah oo ay ka gaadho meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee Maresca ayaa ciyaarta ka Soo daawan doona taarabuunka kadib markii kaadhka cas loo taagay kulankii Liverpool.

Waxaa la xaqiijiyay in tababaraha Talyaaniga ah uu qaadan doono hal kulan oo ganaax ah oo laga mamnuucay inuu istaago agagaarka garoonka, kaddib markii uu qirtay dacwad anshax-marineed oo uu ku soo oogay Xiriirka Kubadda Cagta ee England (FA). Waxaana sidoo kale lagu ganaaxay £8,000, waxaana ganaaxaasi lagu fulin doonaa kulanka ka dhici doona garoonka City Ground dhamaadka usbuucan.

Maadaama Maresca uu maqnaan doono, kooxda tababarka Chelsea waxaa hoggaamin doona kulanka Forest kaaliyihiisa, goolhayihii hore ee Chelsea iyo Manchester City — Willy Caballero. Caballero ayaa sidoo kale la hadlay warbaahinta kadib kulankii Liverpool, maadaama tababaraha kooxda uusan loo oggolaan inuu sidaas sameeyo kaddib markii garsooruhu ka saaray garoonka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga