Arteta Oo Sheegay Sababtii Ay Arsenal Ugu Fashilantay Ku Guulaysiga Premier League

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in awood la’aan dhinaca goolka hortiisa ah Iyo go’aamo aan gacmohooda ku jirin ay sabab u ahayd in ay Arsenal ku fashilantay premier League xili ciyaareedkii hore.

Wareysi uu siiyay ESPN, Arteta wuxuu dib u milicsaday markii ay Arsenal lumisay horyaalka gaar ahaan guuldaradii 2/0 ee ka soo gaadhay Aston Villa taas oo keentay in ay 2 dhibcood ka daba marto Man City.

“Marka aad eegto goolasha nalaga filayay waxa ay ahayd in aan badino laakiin taasi maanu samayn”ayuu Arteta yidhi.

“Sidaa darteed fir-fircooni la’aanta goolka hortiisa ayaa ahayd mid aan fiicnayn inkasta aan ku awood badanahay kulamada”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga