
Tababarha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ku kaftamay in daafaca William Saliba dalbaday in uu ka ciyaaro weerarka si loo xaliyo dhibaatada dhaawac ee dhinaca weerarka.
Arsenal ayaa ciyaari doonta weeraryahan la’aan inta ka dhiman xilli ciyaareedka kadib dhaawacii Kia Havertz.
Xiddiga waxa uu mari doonaa qaliin usbuucan waxana uu garoomada ka maqnaan doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedka si la mid ah Gabriel Jesus oo isna maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Leandro Trossard, oo ka mid ah seddexda weeraryahan ee taam u ah Arsenal, ayaa la filayaa inuu hogaamiyo weerarka – laakiin Arteta ayaa daaha ka qaaday Saliba in uu si kaftan ah u Soo bandhigay in uu ka ciyaaro weerarka kooxda.
“Willy aad buu u qosol badan yahay,” ayuu yidhi. Isla markiiba waxay ahayd mid ka mid ah falcelintiisii [inuu u soo bandhigo inuu ka ciyaaro weerarka”.
“Waa run sidoo kale inuu halkaas ka ciyaaray. Goolal badan ayuu dhalin jiray. Laakiin malaha ciyaartoy badan ayaa halkaas ku ciyaaray markii ay yaraayeen”
Be the first to comment