Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta Ayaa sheegay Sababta ay Kooxdiisu ugu dhaqaaqday Saxiixa xiddiga Eberechi Eze suuqa kala iibisga xagaagan.
Arsenal ayaa maanta ku dhawaaqday saxiixa Eze Oo ay kala Soo wareegtay Kooxda Crystal Palace.
Arteta Ayaa sheegay in Sababta ay Kooxdiisu ugu dhaqaaqday Saxiixa xiddiga reer England ay tahay in uu kooxda siin doono waji Cusub oo weerarka ah.
” Eberechi waa ciyaaryahan awood badan oo xiiso leh kaasoo siin doona Arsenal waji cusub ciyaarteena weerarka,” Arteta ayaa sidaa ku yiri bogga Arsenal.
“Safarkiisa, maskaxdiisa, iyo hamigiisa ayaa ah waxa aan ka dooneyno kooxdeena.”
Arteta sidoo kale waxa uu ku tilmaamay xiddiga heerka caalami ee dalka England inuu yahay ciyaaryahan awood badan.
Be the first to comment