Arteta Oo Shaaciyay Sababta Ay Man United Uga Badisay Arsenal Kulankii Axada

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sheegay in Manchester United ay sameeyeen “laba daqiiqo oo mucjiso ah” si ay kooxdiisa uga badiyaan 3-2 Axaddii.

Gunners-ku waxay arkeen rikoodhkoodii guul-la’aanta ee garoonka Emirates oo soo dhammaaday, kaddib markii Matheus Cunha uu dhaliyay goolka guusha daqiiqadihii dambe.

Matheus Cunha ayaa dhaliyay goolka go’aamiyay ciyaarta ee ka dhanka ahaa Arsenal, kaddib markii Mikel Merino uu u muuqday inuu dhibic u xaqiijiyay Gunners-ka.

Patrick Dorgu iyo Bryan Mbeumo ayaa goolal u dhaliyay Manchester United, iyagoo hoggaanka u dhiibay kaddib gool iskiis ah oo uu dhaliyay Lisandro Martinez.

“Runtii aad ayaan u xukunnay ciyaarta 30-kii daqiiqo ee ugu horreeyay, waanan dhalinnay gool, balse markaas ayaan u hibaynay gool iyaga ah taasoo beddeshay xawaaraha iyo tamarta ciyaarta,” ayuu Arteta u sheegay Sky Sports.

“Intaa kaddib heerkeennii kubbadda ayaan hoos u dhignay, iyaguna waxay heleen laba daqiiqo oo mucjiso ah oo ay goolal ku dhaliyeen, ciyaaraha waaweynna waxaad u baahan tahay daqiiqadahaas.

“Waxaan wadnay tabanimo, balse markii ay noqotay 2-2 waxaad dareemaysaa ‘ciyaartu way furantahay”

“Laakiin markaas hal kubbad oo dheer, hal baas, Cunha ayaana dhaliyay gool, sidaas darteed waa mid aad u xanuun badan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga