Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday sababta Arsenal ay xagaagii suuqa kala iibsiga u dooratay saxiixa Viktor Gyökeres halkii ay la soo saxiixan lahayd Benjamin Šeško.
Arsenal ayaa baaray suurtagalnimada la soo wareegidda Šeško, balse ugu dambeyn waxay doorbideen inay Gyökeres kala soo saxiixdaan Sporting CP xagaagii hore, heshiis ku kacay £64 milyan.
Dhanka kale, Šeško isaguna wuxuu u soo wareegay Premier League, kaddib markii Manchester United ay RB Leipzig kula heshiiyeen lacag dhan £73.7 milyan.
Gyökeres, oo 27 jir ah, ayaa xilli-ciyaareedkan u dhaliyay Arsenal sagaal gool 27 kulan oo uu saftay, halka Šeško, oo 22 jir ah, uu shan gool ka dhaliyay 19 kulan oo uu u saftay Manchester United.
Xiddiga xulka Sweden ayaa xilli-ciyaareedkan lagu dhaliilay qaab ciyaareedkiisa, iyadoo Michael Owen uu horraantii bishan sheegay in Arsenal laga yaabo inay durba raadinayso beddelka saxiixoodii xagaaga.
Si kastaba ha ahaatee, Arteta ayaa ku adkeystay in Arsenal ay “aad ugu faraxsan yihiin” go’aanka ay ku keeneen Gyökeres kooxda.
Markii la weydiiyay sababta Arsenal ay Gyökeres uga dooratay Šeško, Arteta wuxuu yiri:
“Ugu dambeyntii waa inaan gaaraa go’aan, annaguna waxaan aaminsanayn in Viktor uu ahaa kan ugu habboon marka loo eego xaaladdii aan ku jirnay.”
“Tayada aanan ku lahayn booska 9-aad sidoo kale sababta oo ah waxa muddo dheer naga maqnaa Jesus Iyo Havertz waanan ku faraxsanayn in aan la soo saxiixanay isaga”.
Be the first to comment