Tababaraha Arsenal ee Arteta ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaadhay xiddiga daafaca uga iyaara kooxdiisa ee William Saliba.
William Saliba ayaa seegay kulankii ay kooxdiisu bar-baraha la gashay Aston Villa kulan ka tirsanaa premier league.
Kadib yaarta kel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee William Saliba””Waa hubaal inaan ka walaacsanahay, aad ayaan uga walaacsanahay”.
“Waxaan heli doonaa macluumaad dheeraad ah,baadhitaan kale ayaa isaga lagu samayn doonaa”.
“Xanuun ayuu dareemay ka hor ciyaarta, uma malaynayo in uu yahay mid weyn laakiin wax tababar ah ma uusan qaadan”.
“Ma dareemayn wanaag ku filan inuu ciyaaro sidaas darteed waa inaan qiimeynaa xaalada.”
Be the first to comment