Arteta Oo Ka Fal Celiyay Ku Aadista Real Madrid.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay waxa ay ku qaadan doonto si ay uga badiso kooxda Real Madrid wareega 8 dhamaadka champions League.

Gunners ayaa u gudubtay sideed dhamaadka tartanka kooxaha Yurub markii labaad xilli ciyaareed xiriir ah ka dib markii ay celcelis ahaan 9-3 ku garaacday PSV Eindhoven.

Waxay la macno tahay in kooxda ka dhisan waqooyiga London ay wajihi doonto Real Madrid – kooxda heysata iyo kooxda ugu guulaha badan taariikhda tartanka – laba lugood bisha soo socota ka dib markii ay rigoorayaal kaga soo gudbeen Atletico Madrid.

Isagoo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee ciyaarta ka dib iyo ka hor inta aan Los Blancos la xaqiijin inay yihiin kooxda Arsenal ee soo socota ee Champions League, Arteta ayaa shaaca ka qaaday waxa ay Kooxdiisu u baahanyahay si ay uga badiso Real Madrid.

“Waxa ugu horreeya waa inaad ahaato mid aad ugu fiican marka ay timaado taas labada kulan, daqiiqad kasta,” ayuu yidhi

“Wax fursad ah ha siin Sababta oo ah way ka faa’iidaysan doonaan”ayuu yidhi.

“Ugu dambeyntii, ciyaarta waxaa lagu go’aamin doonaa sanduuqyada, kartida shakhsi ahaaneed, bandhigyada shakhsi ahaaneed waa muhiim, ka dibna abuurista jawi aan la rumaysan karin marka aan fursad u helno inaan ku ciyaarno guriga, taasi waa muhiim.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga