Arteta Oo Difaacay Sterling

Mikel Arteta ayaa difaacay Raheem Sterling ka dib markii ay Arsenal 2-0 kaga badisay Leicester wuxuuna ku dooday in qaab ciyaareedka kooxda oo dhan uu ka dhigay mid aad u adag.

Ethan Nwaneri, Leandro Trossard iyo Sterling ayaa hogaaminayay weerarka Arsenal iyada oo kooxdu ku dhibaatootay in ay dhaafto daafaca Leicester City.

Sterling ayaa ku dhibaatooday in uu saamayn ku yeesho ciyaarta taas oo keentay in la badalo daqiiqadii 69-aad iyada oo lagu badalay Mikel Merino.

Merino ayaa ciyaarta wax ka badalay kadib markii uu badal ku soo galay ciyaarta waxana ay taasi keentay in su’aal la galiyo awooda xiddiga.

“Ciyaar adag ayay ahyd, gaar ahaan 20 ilaa 25-kii daqiiqo ee ugu horeeyay”ayuu Arteta u sheegay Wariyayaasha.

“Waxa aan haysanaa kubad badan laakiin marna halis maanu galin goolka Wolves”.

“Qaybtii dambe waxa ay ahayd mid ka duwan waxana aan ahayn kuwo deg-degsiimo samaynaya, is badalka ayaana saamayn sameeyay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga