
Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa u sheegay taageerayaasha Arsenal: Waan ku guulaysan karnaa Premier League iyaga oo aan wax saxiix ah samayn suuqa January.
Tababaraha Gunners ayaa ku adkeysanaya inuusan suuqa u gali doonin sidii ay ugu guulaysan ahaayeen premier League maadama la soo saxiixashada xiddig cusub ayna balan-qaadi rin ku guulaysiga Premier League.
Arsenal waxaa gilgilay dhaawacyo ka soo gaaray Bukayo Saka (muruqa) iyo Raheem Sterling (jilibka) kuwaas oo si weyn u wiiqay fursadaha weerarka ee Arteta.
Waa sababta Waqooyiga London loola xiriirinayo inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Newcastle ee lagu qiimeeyo 150 milyan Alexander Isak – halyeyga kooxda Paul Merson ayaa leh waa inay bangiga u jabiyaan.
Laakiin Arteta wuxuu sheeganayaa in kooxdiisu haysato ood ku filan isla markaas ay kooxda hogaamin araan xiddigaha Gabriel Jesus iyo Kai Havertz.
Mikel Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”La saxiixashada xiddig kuma filna, taasi waan hubaa”.
“Saxiixaasi waa inuu dhaliyaa markaas imisa gool? Waxaad dhalisaa 20 gool laga bilaabo halkan ilaa dhamaadka waxaadna haysataa fursad fiican? Malaha, haa”.
“Haddii wax ka xoog badan uu suuqa ku jiro oo aan awoodi karno oo aan aaminsanahay inay saameyn dhab ah ku yeelanayaan, mar walba waa inaan u furnaa suurtogalnimadaas. Laakin waqtigan la joogo, diiradda ayaa saaran waxa aan haysano”.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay ciyaartoyda aan heysano iyo tirada goolasha aan dhalinay, waa wax aad ugu filan inaan ku guuleysano Premier League”.
Be the first to comment