Arsene Wenger Oo UEFA U Sheegay In Ay Man United U Diidaan Ka Qayb Galka Champions League Xitaa Hadii Ay Ku Guulaystaan Europa League, Sabab.

Arsene Wenger ayaa aaminsan in Manchester United ama Tottenham aan loo ogolaan inay ka qeyb galaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda xitaa haddii ay ku guuleystaan ​​​​Europe League.

United iyo Spurs ayaa ku kulmi doona final-ka Europa League iyaga oo min hal lug la galay kadib guulihii ay gaadheen Semi-final-ka Europa League.

Kooxda Ruben Amorim ayaa 3-0 ku xasuuqday Athletic Bilbao lugtii martida ahayd halka Spurs ay 3-1 ku garaacday kooxda Norway ee Bodo/Glimt si ay talaabo ugu qaadaan final-ka Europa League.

Si kastaba ha ahaatee, labada kooxood ayaa hadda la dammaanad qaaday inay ku dhammaysan doonaan meel ka baxsan boosaska loogu oo boxo champions League xilli ciyaareedka dambe.

UEFA waxay badashay sharcigeeda 2014 si ay ugu ogolaato kooxda ku guulaysata Europa League inay u soo baxdo Champions League, laakiin Wenger ayaa aaminsan in tani ‘aysan sax ahayn’.

Tababarihii hore ee Arsenal Wenger ayaa u sheegay BeIN Sports: “Maya. Waa inay si toos ah ugu soo baxaan Europa League laakiin maaha inay u soo baxaan Champions League”.

“Gaar ahaan marka aad joogto Premier League oo ay shan kooxood horay ugu soo baxeen”.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay wax ay tahay UEFA In ay dib uga fikirto”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga