Arsene Wenger Oo Magacaabay Kooxda Ugu Fiican Adduunka Wakhtigan

Tababarihii hore ee Arsenal, Arsène Wenger, ayaa sheegay in Gunners-ku ay hada yihiin kooxda ugu fiican aduunka.

Arsenal waxay haatan hoggaaminayaan miisaska Premier League-ga iyo UEFA Champions League-ga labadaba.

Kooxda Mikel Arteta ayaa loo arkaa kuwa ugu cadcad ee ku guuleysan kara labada koob xilli ciyaareedkan.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu dhowaan siiyay CNN magaalada Doha, tababaraha Faransiiska ah ayaa la weydiiyay qiimeyntiisa Arsenal xilli-ciyaareedkan.

Wenger ayaa yiri” Arsenal ima baahna, laakiin anigu taageere weyn ayaan ahay. Dabcan, waa kooxda ugu fiican waqtigan.”

Wenger wuxuu Arsenal la qaaday saddex horyaal oo Premier League ah intii uu joogay garoonka Emirates.

Laakiin tababaraha 76 jirka ah, oo kooxda ka tagay 2018, ma uusan ku guuleysan UEFA Champions League isagoo maamulaya kooxda Waqooyiga London ee Premier Lea

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga